Borama News Network

Jabhadda OLF Ee Qoomiyada Oramada Oo Kahor-Timid Damaca Abiy Ee Badda Soomaaliya.

Jabhadda Hubaysan ee Xorraynta Oromada loona soo gaabiyo OLF ayaa bayaan ay kasoo saartay damaca gurracan ee Abiy Ahmed uu ku doonayo in uu ku qaato qayb kamid ah Badda Soomaaliya ayaa si wayn uga hor timid tallaabadaas.

Qoraal kasoo baxay Jabhadda OLF ayaa lagu sheegay in ay ixtiraamayso madaxbannaanida Dhuleed & Wadajirka Soomaaliya sidaas awgeed tallaabooyinka uu qaadayo Abiy Ahmed ay yihiin kuwo dhankooda ka madaxbannaan.

Warka kasoo baxay Jabhadda Xorraynta Oromada OLF ayaa lagu sheegay in iskudayga Abiy Ahmed ee falcelinta dhaliyay uu ku doonayo sidii uu marin-habaabin ugu samayn lahaa dhibaatooyinka uu ka gaystay Itoobiya.

Jabhadda OLF ayaa ku goodisay in aanay gabbed heli doonin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee damacsan sidii uu Dadka Itoobiya dhibaatooyinka uu u gaystay isaga jiidan lahaa mowduuca la xiriira heshiis-beenaadka badda.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa tacadiyo kala duwan ka gaysatay Itoobiya laga soo billaabo Bishii Nofeembar 2020 kaddib markii ciidan ka amar-qaadda ay duullaan toos ah ku qaadeen Ismaamulka Tigray halka dalkaas uu geliyay khalalaase & xaalado dhinaca Nolosha ah.

 

Related posts

Bukaan Lagu Beeray Kilda Xayawaanka Doofaarka Oo Soo Caafimaaday Isaga Oo Wata Kalidii Doofaarka

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Hore Farmaajo Oo Ka Hadlay Shirkii Garoowe Fariina U Diray SSC Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff

Bulshada Degmada Boon Ee Gobolka Awdal Oo Ka Mudaharaaday Damaca Dowlada Itoobiya Ee Bada Lughaya

Abdiaziz Bnnstaff