Borama News Network

Jabuuti iyo Turkiga oo heshiis iskaashi kala saxiixday, xilli Soomaaliya iyo Turkiguna ay heshiis dhanka difaaca badda ah wada Gaareen

Wasiirrada difaaca ee dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah ku kala saxiixday magaalada Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa ka hor heshiiska kulan looga hadlayay arrimahaan ku yeeshay dalka Turkiga kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu halkaa gaaray wasiirka Jabuuti ka socda.

Labadamas’uul ayaa sheegay in iskaashigaan uu wax badan ka tari doono danaha labada dal.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku teedsan gacanka cadmeed ee marinka badda cas.

Turkiga ayaa u muuqda inuu qaadayo tillaabooyin uu ku xoojinayo iskaashiga uu la’ leeyahay dalalka ku yaalla geeska, iyadoo shalay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca badda ah oo Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.

Related posts

Doorasho Gali Mayno Ilaa Inta La Ansixinayo Gobolnimada Gabilay” Waxgaradka Gabilay Oo Hadlay

Shirkada Meta oo meesha ka saaraysa hannaankeeda hubinta waxyaabaha la soo dhigo Facebook iyo instagram

Abdiaziz Bnnstaff

Hogaamiyaha Mucaaridka La Wareegay Suuriya Oo Sheegay In Lala Xisaabtami Doona Saraakiishii Taliska Asad Ee Xabsiyada Ka Shaqeyn Jiray

Abdiaziz Bnnstaff