Borama News Network

Jadeeco faro ba’an ku haya qeybo ka mid ah Mareykanka oo ay dad u dhinteen

Ilmihii labaad ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in uu u geeriyooday cudurka jadeecada oo ka dillaacay galbeedka gobolka Texas oo laga cabsi qabo in uu ku sii fido meelo kale.

Xoghayaha Caafimaadka Mareykanka Robert F. Kennedy Jr., oo wajahaya dhalleecayn ku saabsan sida uu u maareeyay faafitaanka cudurka, ayaa booqday gobolka Texas Axaddii kaddib dhimashada caruurtaasi, taasi oo ka dhigtay dhimashadii saddexaad muddo toddobaadyo ah.

Cunugga oo da’diisa lagu sheegay 8 jir ayaan hore loo siin wax tallaal ah oo xanuunkan ku saabsan. Gobolkan ku yaalla koonfurta Mareykanka ayaa sannadkan laga diiwaan geliyay in ka badan 480 kiis oo jadeeco ah ilaa Jimcihii, sidoo kale todobaad ka hor ayaa la qabtay kiisas kale oo gaadhaya 420 kiis.

Cudurka Jadeedaca ayaa sidoo kale waxa laga soo sheegayaa gobollada kale ee deriska la ah Texas.

Related posts

Amxaarada iiga Dhaw Somalida, Qaar Baa Lahaa Heesta Muuse Biixi Baa Sameeyey”Abwaan Daaha Gaas Oo Ka Hadlay Heesta Buuqa Dhalisay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Booliska DF uga qorsheysan sugida amniga Muqdisho Bisha Ramadan

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Waxa Uu Xabsiga Dhigay Haweenkii Codka Iyo Cududa Lahaa Ee Jaan Gooya Madaxda Dalka”

Abdiaziz Bnnstaff