Borama News Network

Jarmalka Oo Qaabilay Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Soomaaliya Ay Kamid Tahay.

Dalka Jarmalka ayaa qaabilay Tahriibayaashii ugu badnaa sanadihii u dambeeyay galay dalkaas waxaana sidaasi lagu sheegay daraasad Dowladdu kasoo saartay qulqulka soogalootiga saldhigtay dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Yurub.

51% ayay kordheen tahriibayaasha isaga kala gudbay waddamo dhowr ah oo isla qaaradda Yurub dhaca iyaga oo ugu dambayn salka dhigay Dalkaan oo ay ku haystaan magangalyo iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Sanadkii dhowaan tagay ee 2023 Dadka galay Jarmalka ee tahriibayaasha ah waxa ay gaareen 351,915 qof kuwaas oo u badan Haween, Carruur & Dhalinyaro waxa ay qaarkood soo galeen safar waqti badan ku qaatay.

Xukuumadda Berlin ayaa sheegtay in ay haysto soogalooti badan oo ay ku jiraan Soomaali kuwaas oo qayb ka ah qorshaha Xukuumaddu ugu talagalay in lagu xafido dadkaas dhibaatooyinka uga soo cararay Dalalkooda.

Jarmalka waxa uu safka hore kasoo galay Waddamada martigeliyay Qaxootiga badankood naftooda kala baxsaday colaadaha aan dhammaadka lahayn ee Dalalkooda saamayay waxaana ay Dowladdu u samaysay dib u dejin.

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo 6 ruux u xiray Dil Muqdisho loogu gaystay mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Raydka.

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Goboleedka IGAD Oo Digniin Ka Soo Saaray Roobab Mahiigaan Ah Oo Ku Soo Fool Leh Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Loolanka ay wadamadu ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyay waqtiga shidaalka la qodi doono

Abdiaziz Bnnstaff