Borama News Network

Khasaare maaliyadeed oo ka dhashay Dab saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Faah-faahin hordhac ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay Dab saakay ka kacay suuqa wayn Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qaybta Bagaashka lagu iibiyo ee u dhaxeeya Dahablaha iyo Khaliifa.

Sida ay Mustaqbal u sheegay ilo kala duwan, khasaaraha ayaa ku siman dhinaca Hantida taallay qaar kamid ah goobaha ganacsiga ee gubtay waxaana lagu guulaystay in la damiyo isla markaana laga hortago si uusan goobo kale ugu fidin.

Kooxaha gurmadka degdega ah oo gaaray suuqa ayaa dedaal xooggan geliyay si ay u bakhtiijiyaan dabka oo ugu dambayn ku guulaysteen halka Ciidamada ammaanka ay xireen waddooyinka ku dhow halka uu dabka saameeyay.

Inkasta oo maalmaha jimcaha uu aad u yar yahay dhaqdhaqaaqa Suuqa wayn ee Bakaaraha balse maanta waxaa furan inta badan goobaha Ganacsiga maadaama lagu guda-jiro maalmihii ugu dambeeyay ee u diyaargarowga Ciidul-Fitriga.

Weli lama shaacin sababta ka dambaysay ama uu dabkaas u kacay, waa markii labaad uu dab sidaan oo kale suuqa Bakaaraha uga kaco muddo bil gudaheed ah waxaana inta badan faafitaanka dabka loo sababeeyaa in waddooyinka uu cariiri ama saxmad ka jirto.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo dal ku galka ka dhaafaya Muwaadiniinta labada dal ee haysta Baasaboorka diblomaasiga

Abdiaziz Bnnstaff

BURCO: Taageerayaasha Xisbiga WADANI Oo Isku Soo Baxay

Mustafe haji

Isreal Oo Weerar Dhanka Dhulka Ah Ku Qaaday Lubnaan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka

Abdiaziz Bnnstaff