Borama News Network

Kumannaan kun oo ruux oo raba in ay lug kusoo galaan Mareykanka oo soo gaaray koofurta Mexico

Muhaajiriin ka badan 2,000 oo qof oo isugu jira dumar, rag iyo carruur oo si saf ah isula socda oo lugeynaya, ayaa Talaadadi kusoo dhex hadaafay deegaannada koofureed ee dalka Mexico, iyaga oo raja ka qaba in ay soo galaan dalkan Mareykanka.

Dadkaan oo ka kala yimid dhowr waddan oo u badan bartamaha iyo koofurta Ameerica, ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay Mareykanka kasoo galaan xadka koofureed ee uu la wadaago Mexico, ka hor inta aanan la gaarin bisha November oo ay dhaceyso doorashada madaxtinimada.

Qaarkood ayaa wariyaasha u sheegay in ay cabsi ka qabaan in ay awoodi waayaan in ay soo galaan Mareykanka, haddii uu doorashada soo socota ee madaxtinimada ku guuleysto Donald Trump. Trump ayaa wacad ku maray inuu dadka magan-galyo doonka ah ka xiri doono xaduudaha Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay, in xeyntan dadka ah ay saaka ka hor waabari ka soo ruqaansadeen magaalada Tapachula, si ay uga baxsadaan kuleelka daran ee xilliga jiilaalka, waxay rajeynayeen in ay maalinta oo dhan ku jaraan masaafo dhan 20 mayl.

Waxay isugu jireen qoysas wata carruurtooda, dad da’ah iyo dhalinyaro gabdho iyo wiilal ah. Qaar kale ayaa ku haray wabiga Suchiate River Axaddii, kaas oo kala qeybiya xadka dalalka Guatemala iyo Mexico.

Bishi June, maamulka madaxweyne Biden ayaa dhaqan geliyay sharci xadidaya tirada maalin laha ah ee sida sharci darrada uga soo tallaabaya xadka.

Sharcigaas ayaa dhigay in la xiro haddii ay tirada ka badato 2,500. Arrintaasi ayaa la sheegay in ay hoos u dhigtay dadka magan-galyo doonka ah ee kasoo galaya xadka koofureed ee Mareykanka.

Related posts

“Waxaan gacanta ku soo dhignay 1500 litir oo khamriya , 5 jawaan oo xashiishada” Ciidamada Booliska Hargaysa .

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Xubno Ka Tirsan Xukuumadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Itoobiya Oo Raadinaya Nin Dilay Sheekhii Soo barbaariyay.

Abdiaziz Bnnstaff