Borama News Network

Ma laga yaabaa in xiisadda u dhexeeysa Israa’iil iyo Iran ay horseedo dagaalkii saddexaad ee adduunka?

Aan ku bilowno warbixintaan uu qoray wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, oo qoraagu isku waydiiyay su’aal ku saabsan ilaa intee in le’eg ayay soconaysaa colaadda hadda taagan ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Iran, oo isu beddeli karta dagaalkii saddexaad ee dunida.
Nin khabiir ku ah arrimaha Bariga Dhexe, oo lagu magacaabo David B. Roberts, ayaa muujiyay cabsida uu ka qabo suurtagalnimada ah in dagaalka uu isku beddelo wax aad uga weyn, oo u baahan faragelinta quwadaha gobolka iyo sidoo kale dhinacyada caalamiga ah sida Mareykanka iyo Ingiriiska.
Roberts waxa kale oo uu is waydiiyay weerarki dhawaan Iran ay ku qaaday Israa’iil, oo miyay ka dhigan tahay guul darro dhinaca Iran ah? Mise waa tillaabo si taxadar leh loo qaabeeyay?
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Tehran ay digniin ku filan siisay Israa’iil iyo Maraykanka, taas oo u ogolaanaysay isbahaysiga ku meel gaarka ah in ay isku diyaariyaan weerar dhaw, Tehraanna ma aysan waydiisan Xisbullah in ay isticmaasho 150,000 oo gantaal.
Qoraagu waxa uu sheegay in madaxda Iran ay doonaysay aargoosi ka dhan ah Israa’iil, iyada oo aan la kulmin dharbaaxo halis ah ilaa xad taas oo horseedi doonta aargoosi weyn oo Israa’iil ka yimaada iadoo xitaa laga yaabo n Mareykanku qayb ka noqdo.

Waxaa si weyn u soo kordhaya walaaca ku saabsan xaaladaha ay Israa’iil ku beegsaneyso barnaamijka Nukliyeerka ee Iran. Balse Israa’iil ma awoodo in ay kaligeed bilowdo howlgalkan oo kale, waxaana ay u baahan tahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalalka Khaliijka si ay u caawiyaan, maamulka Mareykanka ayaana ilaa hadda diidan in uu ku biiro howlgalkaas.

Qoraagu waxa uu rumaysan yahay in Israa’iil laga yaabo in ay buunbuuniso jawaabteeda, aargoosiguna waxa uu noqon doonaa mid aad u baahsan oo madaxda Iran ay dareemi doonaan in lagu qasbay in ay ka jawaabaan, “taasoo xoojin doonta cabsida laga qabo isku dhac ballaaran.”

Haddii Iran ay la kulanto weerar culus oo ay Israa’iil ku soo qaaddo markaan, Iran waxa hubaal ah in Iran ay weerarto waqooyiga Israa’iil iyadoo gacan ka helaysa Xisbullah.

Saamaynta juqraafi-dhaqaale ee colaadda taagan iyo iska horimaadyada is-daba-joogga ah ee Bariga Dhexe ayaa abuuri kara qiimaha saliidda oo kor u kaca, waxaana adkaan doonta soo kabashada dhaqaal ee caalamka.

Israa’iil waxay u baahan tahay saaxiibbo cusub oo gobolka ah
Markaanna aan eegno wargeyska Israel ee The Jerusalem Post, kaas oo ku sheegay boggiisa hore in in Israa’iill ay tahay inay tixgeliso iskaashiga cusub ee gobolka haddii ay rabto inay u jawaabto Iran.

Waxay sheegtay in ka dib weerarkii “weynaa” ee Iran ay ku qaadday Israa’iil uu abuuray xaalad cusub.

Waxay ahayd markii ugu horreysay taariikhda oo Iran ay weerar toos ah ku qaaddo Israa’iil dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada cruise-ka iyo gantaallada ballistic-ga oo ay samaysaneysay tobannaan sano. Hubkan ayaa u adeegay sidii shay muhiim u ah is-hortaagga istaraatiijiyadeed ee Iran wuxuuna u suurtageliyay inay ku fidiso awooddeeda gobolka oo dhan, sida uu wargeysku sheegay.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in cawaaqib xumada ka dhalatay wixii dhacay ay gobolka ka sii socon doonaan muddo sanado ah, ayna sidoo kale ka muuqan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay isbdello ku yimaado xirirada dalalka qaar.

Wargeysku waxa uu sheegay in inkasta oo maamulka Iran uu filayey in heshiiska isbahaysiga Israa’iil-Maraykanka iyo Sucuudiga la fashiliyo sababo la xiriira wixii ka dhacay Qaza ka dib weerarradii Xamaas ee bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Wargeysku waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray ay ku jirtay in Maraykanku uu heshiis difaac oo la mid ah NATO la saxiixato Israa’iil iyo Sucuudiga, heshiiskaas oo Riyaad ku heli doonto hub casri ah oo uga imaanaya Maraykan, iyo sidoo kale in Maraykanku ka caawiyo horumarinta barnaamijka Nukliyeerka rayidka oo ay ku jirto xaga tayaynta uranium-ka.

Taa baddalkeeda, Sucuudigu waxa uu caadi ka dhigi doonaa xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, waxa uu gacan ka gaysan doonaa soo afjarida dagaalka Yemen, iyo in uu taageero dhaqaale oo ballaaran siiyo Falastiiniyiinta, halka Israa’iilna ay xaddidi doonto hawlaha deegaamaynta, waxana ay ballan-qaadaysaa in aanay ku darin Daanta Galbeed.

“Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ku qiray, wareysi uu siiyay Fox News, in waddankiisu uu maalin walba ku sii dhowaanayo heshiis caadi ah oo lala galo Israa’iil iyo in geeddi-socodku uu yahay mid dhab ah markii ugu horeysay,”.

Xamaas ayaa ka jawaabtay hadalladan laba toddobaad ka dib, iyada oo qaaday weerar bishii Oktoobar ee lagu qaaday goobaha millatariga ee magaalooyinka ku hareeraysan Qasa, ka hor inta aanay Israa’iil si adag uga jawaabin, “waxayna u muuqatay in dhammaan rajadii laga qabay is-beddelka Sucuudiga iyo Israa’iil ay burburtay. ”

Wargeyska Israa’iil ayaa sharaxay in Sacuudiga uu ka mid yahay dalalka gobolka ee sida hoose uga heshiiyey inay is dhaafsadaan xogta sirta ah ee Maraykanka ee ku saabsan weerar Iran ku soo wajahan, iyadoo lagu saleeyay warbixin uu qoray wargeyska Wall Street Journal ee Maraykanka.

Waxaa intaa la raaciyay in wadaagista xogtan ay qayb ka tahay nidaamka difaaca hawada ee gobolka oo Maraykanku si hagar la’aan ah u dhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, inkastoo Sucuudigu uusan siinin Maraykanka iyo Israa’iil xaqa ay u leeyihiin in ay isticmaali karaan hawadooda iyo in ay ka hortagaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. .

Laakin Urdun ayaa oggolaatay tillaabadaan, oo xitaa waxay ka qayb qaatay soo rididda qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Iskaashiga amni ee noocan oo kale ah ee lala yeesho Sucuudiga – inkasta oo aanu dhammaystirnayn – wuxuu ahaa mid aan la qiyaasi karin toban sano ka hor, waana wax u baahan in la dhiso si dib loogu soo nooleeyo wadahadalka heshiis saddex geesood ah oo u dhexeeya Israa’iil, Sacuudiga, iyo Maraykanka,” sida laga soo xigtay wargeyska.
Dhibaatada ka jirta aragtida amniga qaranka Israa’iil
Qoraagu waxa uu tixraacay natiijadii ra’yi ururin laga sameeyay Israa’iil usbuucii hore, taas oo ka hadashay wax ka beddelka fikradda amniga qaranka Israa’iil weerarradii Oktoobar ka dib. Israa’iiliyiinta qaarkood waxay soo jeediyeen in mudnaanta hadda loo baahan yahay ay tahay in la kordhiyo ku tiirsanaanta warshadaha millatariga Israa’iil oo kor loo qaado daryeelka ciidamada kaydka ah.

Sharaxaadda ayaa intaas ku daraysa in aysan jirin dukumeenti rasmi ah oo qeexaya fikradda amniga qaranka Israa’iil, sida mabaadi’da uu sameeyay aasaasihii dawladda Sionist, David Ben-Gurion, horraantii 1950-meeyadii. ”

Sida lagu sheegay warbixintaan, aaminsananata amniga Israa’iil waxay ku salaysan tahay “afar shey,” kuwaas oo ah: ka hortag waxtar leh, digniin hore, difaac adag, iyo xallin degdeg ah. “Waxa dhacay 7-dii Oktoobar ayaana ah in afarta qaybood, si gaar ah iyo si wadajir ah, ay u curyaameen oo dowladdu ku guuldaraysatay ka dhabeynta waaxahaas amniga muhiimka u ah .

Related posts

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Qoor Qoor Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Xagaa ”sanadkaan 2024 waa sanadkii aan la wareegi lahayn amniga guud ee dalka”.

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Hawlgalo Laga Fuliyay Shabeelaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff