Borama News Network

Maamulka Jubaland Oo Beenisay Eedeyn Ka Timid Dowladda Federaalka Somaliya

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa beenisay eedii Dowladda Federaalka ee ahayd in diyaarado hub sida ay ka dageen Kismaayo, waxaana sidoo kale ay beeniyeen in ciidamo maamulka ka tirsan oo jooga Beledxaawo aysan ku biirin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wariyaha VOA ee Jubooyinka Aadan Maxamed Salaad ayaa arrimahasi ka wareystay wasiirka wasaarada amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Related posts

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey. Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey. Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood. Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka. Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Cabdiraxman Ciro Oo Mar Kale Safar Ugu Baxaya Dalka Kenya

Abdiaziz Bnnstaff