Borama News Network

Maamulka Puntland Oo Shaacisay Tirada Daacish Looga Dilay Duqeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Bari

Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari lagu dilay ilaa 25 dagaalame oo ka tirsan Daacish.

Warka Puntland ay baahisay ayay ku sheegtay in duqeynta ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta, oo gacan ka helaysay “howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland”.

Goobta duqeyntu ka dhacday ayaa maamulka Puntland waxaa uu ku sheegay “talis” ay isku aruursanayeen kooxdu.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay deegaannada Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee Gobolka Bari oo ay ku yaallaan saddex Ceel-Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi. Waxaana ciidamadu burburiyeen sida wararkus heegayaan xaruumo ay halkaa ku lahaayeen Daacish.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xilalka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee NISA Iyo Agaasimihii Hore Ee Hay’adda

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka gobolka Awdal oo Amaro Adag duldhigay shirkadah Korontada iyo Nadaafada ee magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg: Prof Axmed Ismaciil Samatar Oo Sheegay In Aanu Ka Qayb Gali Doonin Doorashooyinka Somaliland Baaqna U Diray Reer Awdal

Abdiaziz Bnnstaff