Borama News Network

Madaxwayihii Hore Ee Maraykanka Oo Lagu Amray Bixinta Lacag Dhan 454 Milyan Oo Damaanad Ah

Xaakin ku sugan magaalada New York ayaa Arbacadii diiday inuu hakiyo, amarka maxkamadeed ee sheegaya in madaxweynihii hore ee Trump uu bixiyo lacag gaadhaysa $454 million oo dollar, isaga oo racfaan ka qaatay.

Xaakinka lagu magcaabo Anil Singh ayaa sheegtay in madaxweynaha hore ee Trump ay tahay inuu bixiyo dammaanad u dhiganta guud ahaan lacagta laga doonayo, si loo joojiyo amarka fulinta ee maxkamadda, kaas oo ah in lacagta laga qaado haatan.

Xaakinka ayaa tixgelisay qaybo ka mida codsiyada Trump, kuwaas oo ah in la hakiyo in Trump laga mamnuuco inuu muddo saddex sannadood ah wax amaah ah ka doonto bangiyada ku yaalla New York, tallaabadan ayaa u sahlaysa inuu raadsado dammaanadda lacageed ee looga baahan yahay.

Garyaqaannada u doodaya Trump ayaa goor hore oo Arbacadii ah u sheegay maxkamadda in Trump uu diyaariyey dammaanad u dhiganta illaa $100 million oo dollar, iyaga oo dooday in amarkii mamnuucidda amaanda ah ee lagu soo rogay bishan February 16-keedii uu dabar ku noqday inay helaan guud ahaan lacagta laga rabo.

Related posts

Saajin Waxa Uu Murashaxnimada Waxa Uu Ku Helay Saamigii Gobolka Oo Dhabarka Ka Jabiyay Iyo Celintii Ugaaska

Abdiaziz Bnnstaff

Murashax Ciro Iyo Madaxwayne Ku Xigeen Saylici Oo Caawa Shir Jaraa’id Si Wada Jir Ah U Qabtay

Abdiaziz Bnnstaff

Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay oo Imaaraatka Carabta ku eedeeyay hurinta dagaalka Sokeeye ee Dalkaas.

Abdiaziz Bnnstaff