Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladamir Putin Oo Digniin Culus U Diray Reer Galbeedka

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa bixiyey digniin ku wajahan wadamada Reer-galbeedka isaga oo sheegay in Moscow ay hubeyn karto waddamo damacsan in la weeraro bartilmaameedyada Reer-galbeedka.

Putin ayaa ku dhaliilay wadamada Reer-galbeedka hubka riddada dheer oo ay geeyeen dalka Ukraine.

Dhowr waddan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine siiyay oggolaansho buuxa oo ay ku garaaci karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Tallaabadan oo kale waxay horseedi kartaa “dhibaatooyin aad u daran”, ayuu Putin u sheegay saxafiyiinta ajnabiga ah.
“Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hubkaas la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro dhibaatana nagu abuurta, maxaa inoo diiday in aan hub gaarsiino kuwa aan isku aragtina nahay meelo badan oo caalamka ah oo ay dhici karaan weerarro” ayuu yiri madaxweynaha Ruushka.

“Jawaabtu waxa ay noqon kartaa mid kala duwan. Waana ka fikiri doonaa.”

Ma uusan carabaabin dalalka Moscow ay hub siin karaan.
Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Jarmalka oo dhawaan Ukraine u sheegay in ay xor u yihiin in ay ku garaacaan bartilmaameedyada gudaha Ruushka hubka riddada dheer ee Jarmalka.

“Marka ay yiraahdaan waxaa jiri doona gantaallo badan oo an ku garaaci doonno bartilmaameedyada dhulka Ruushka, tani waxay si dhab ah u burburinaysaa xiriirka Ruushka iyo Jarmalka,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ukraine u fasaxay in ay u adeegsato hubka uu Mareykanka keeno si ay u weerarto bartilmaameedyada Ruushka, balse kaliya meel u dhow gobolka Kharkiv.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Ukraine aysan isticmaali karin gantaallada riddada dheer ee ATACMS dhulka Ruushka.
Ukraine ayaa hubka Maraykanka u adeegsatay in ay ku garaacdo gudaha Ruushka maalmihii la soo dhaafay, sidaas waxaa wakaalada wararka ee AP u sheegay Arbacadii Senatar Maraykan ah iyo sarkaal Reer-galbeed ah.

Dagaal ba’an ayaa ka socday waqooyi bari ee magaalada Kharkiv tan iyo markii uu Ruushku u durkay xadka waqooyiga ee Ukraine. Kharkiv, ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, taas oo xadka u jirka ayaa 30km.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Devid Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay u taallo go’aan ka gaarista qaabka loo isticmaalo hubka Britain, wuxuuna ku adkeystay in ay xaq u leedahay inay weerarto bartilmaameedyada dhulka Ruushka.

Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi lagu isticmaalo gudaha dhulka Ukraine, hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushka uu dagaalka u adeegsanayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

Ruushka ayaa duullaan buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.
Madaxeyne Putin oo la hadlayay saxafiyiin ajnabi ah oo ka qeyb galayay shirka sanadlaha ah ee dhaqaalaha caalamiga ah ee St Petersburg.

Waxa uu sidoo kale ka digay in Reer-galbeedku ay ku khaldan yihiin in ay umaleeyaan in Moscow aysan waligeed isticmaali doonin hubka Nukliyeerka.

“Sababo jira awgood, Reer-galbeedku waxay aaminsan yihiin in Ruushku aanu waligiis isticmaali doonin,” ayuu yidhi Mr Putin mar ay wakaaladda wararka ee Reuters wax ka waydiisay khatarta nukliyeerka ee Ukraine.

“Waxaan leenahay caqiido nukliyeer ah, fiiri waxa ay leedahay. Haddii ficilka qof uu khatar gelinayo madax-banaanidayada iyo wadajirka dhulkeena, waxaan u aragnaa in ay suurtagal tahay in aan isticmaalno wax kasta oo aan awoodno.

“Tani waa in aan si fudud loo qaadan.”

Waxa uu sidoo kale Mr Putin meesha ka saaray fikradda ah in Ruushka uu wado qorshe uu ku weeraro dhulka Nato.

“Waa inaadan Ruushka ka dhigin cadaw. Waxaad kaliya ku dhaawacaysaa naftaada tan, ma ogtahay?” Ayuu yiri Mr Putin.

“Waxay u maleeyeen in Ruushku uu doonayo inuu weeraro Nato. Miyaad gabi ahaanba waalantahay? Taasi waa dhumuc weyn sida miiskan.

Yaa la yimid tan? Waa wax aan macno lahayn oo dhammaystiran, ma ogtahay? ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Putin.

Related posts

Jaamacada Carabta Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelanaysa Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Itoobiya Iyo Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxda Dowladda Oo Dadka Wax Haysta Ugu Baaqay in Ay Caawiyaan Danyarta

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliya Waxay Iclaamisay Dagaal Toos Ah Oo Ka Dhan Ah Somaliland” Nimcaan Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff