Borama News Network

Madaxwaynaha Turkiga oo billaabay Safaro uu ku tagayo Somaaliya,Malaysia, Indonesia, Pakistan, & Ethiopia.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa billaabay safarro xiriir ah oo isaga kala gudbayo Dalal dhaca Qaaradaha Aasiya iyo Afrika si uu usoo xoojiyo xiriirka Dalkiisa uu la wadaago Dalalkaas uu socodka ku marayo.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa muddo 3 cisho ah ku socdaali doonna Malaysia, Indonesia iyo Pakistan waxaana safarkaan uu noqonaya 10ka Febaraayo oo berri ah ilaa 13ka isla bishaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kaddib uu safar ugu soo jiheysan doonno Qaaradda Afrika isaga oo maraya Soomaaliya & Itoobiya sida ay sheegayaan ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wufuud hordhac u ah safarkiisa ayaa gaartay Malaysia, Indonesia iyo Pakistan, Madaxda Dalalkaas ayuu kala hadli doonna kaalmada Turkiga ay ka heli karaan, xoojinta xiriirka ka dhaxeeya & xaaladda ka taagan Dalalka Islaamka.

Bartamihii Deseembar 2024 ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in Janaayo ama febaraayo 2025 uu safar ku tagayo Soomaaliya iyo Itoobiya si uu ula kulmo madaxda labada dhinac.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa socday diyaargarow xooggan oo la xiriira safarka Madaxweynaha Turkiga ee Soomaaliya, weli si dhab ah looma shaacin maalinta iyo taariikhda uu sida rasmiga ah ugu soo beegan yahay Soomaaliya

Related posts

Qaybo ka mid ah dalka Nigeria oo daadad harqiyeen iyo malaayiin qof oo ku barakacay

Abdiaziz Bnnstaff

Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo si gooni gooni ah uga hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Lacagihii Laga Xayiray Dalka Ruushka Oo La Siinayo Dalka Dagaalku Kala Dhexeeyo Ee Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff