Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xilka ka qaaday Lataliyiisa xiriirka Dowlad-Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soosaaray warqad uu xilka uga qaaday lataliyihiisa dhinaca xiriirka Dowlad-Goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo horay ugu magacaabay Lataliyihiisa dhinaca Xiriirka Dowlad-Goboleedyada, waxa uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

“Madaxweynaha JFS wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.” Ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay Villa Somalia

“Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan” ayaa lasii raaciyay qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya

Related posts

“Hadey Itoobiya Ka Go’antahay Inay Dhulkan Imaato Anagana Way Naga Go’antahay Inaan Ku Dhimano” Wiil Dhalinyaro Somaliyeed Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Shaacisay Natiijada Baadhitaanka Murxuun Cabdinasir Muuse

Abdiaziz Bnnstaff

“Xeerku sharci ahaan madaxweynuhu horyaalaa, waxaana la gudboon..” Garyaqaan Xamdi Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff