Borama News Network

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo markii ugu horeysay qof muslim ah u magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday Wasiirkiisii ​​Arrimaha Dibadda oo xilka hayay wax ka yar muddo hal sano ah.

James Pitia Morgan, oo xilka loo magacaabay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, ayaa xilka looga qaaday wareegto madaxweyne oo habeennimadii Khamiista laga akhriyay telefishinka dowladda.

Ka hor inta uusan noqon wasiirka arrimaha dibadda, Mr Morgan waxa uu ahaa safiirka Koonfurta Suudaan u fadhiya Itoobiya.

Waxaa hadda lagu bedelay ku xigeenkiisii ​​hore, Ramadan Abdallah Goch.

Madaxweyne Kiir ayaa Mr Morgan u magacaabay ergaygiisa gobolka harooyinka waaweyn.

Mr Kiir ayaa sidoo kale shaqada ka ceyriyay Mayen Wol Dut oo ahaa ku xigeenka xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, waxaana uu u magacaabay safiirka cusub ee Koonfurta Suudaan u fadhiya Shiinaha.

Ma jiraan sababo la xiriira isku shaandhayntan u dambaysay.

Kormeerayaasha ayaa sheegaya in ay xeelad siyaasadeed u noqon karto Mr Kiir ka hor doorashada, oo la qorsheeyay bisha December.

Mr Goch waa qofkii uguhoreeyay ee muslim ah oo madax ka noqdo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Related posts

Garaadka Guud SSC Garaad Jamaac Garaad Cali Ayaa Soo Dhaweyay Shirkii Jabuuti Kuna Baaqay Midnimo Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Nin xaaskiisii hore si loo xidho gaadhiga xashiish u dhexgeliyay oo isagii la xidhay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Hore Cali Geedi “Furinta Ayaan Degayaa ,Waxaana Tegayaa Aagii La Igu Qoray.”

Abdiaziz Bnnstaff