Borama News Network

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska James Stephen ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Related posts

Raysal Wasaaraha Iyo Madaxweyneyaasha Seddex Maamul Goboleed Ayaa Xalay Boqolaal Qof

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Doonaya In Uu Casilo Xildhibaan Ilahaan Cumar Ka Dib Markii Ay Taageero Xoogan U Muujisay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Taliyayaasha Milatariga Ee Dalalka Somaliya Iyo Uganda Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Abdiaziz Bnnstaff