Borama News Network

Madaxweynaha Uganda oo Siyaasiyiinta Sudan ugu baaqay in ay wadahadal kusoo afjaraan colaadda Dalkaas

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinacyada hubaysan ee isku haya awoodda maamul ee Jamhuuriyadda Suudaan ugu baaqay in ay wadahadal ku dhammeeyaan xiisadda ka dhex jirta oo saamayn taban ku reebtay guud ahaan dalkaas.

Museveni ayaa carrabka ku adkeeyay in uu diyaar u yahay in ka Yugaandho ahaan doorka ku habboon ee miiska wadahadalka la isugu keenayo dhinacyadaan hubaysan ee kala awood roonaan waayay ee reer Suudaan.

Dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan ayaa lagu eedeeyay in ay gaysteen dambiyo kala duwan oo ka dhanka ah Aadanaha waxaana marar kala duwan la isku dayay in dhinacyadaan la isku keenno si loo wadahadalsiiyo oo halkaas xabbad-joojin loo dhaliyo.

Inkasta oo lagu guuldaraystay dhexdhexaadinta dhinacyadaan Hubaysan in miiska wadahadalka la isugu keenno balse weli lagama quusan si loo badbaadiyo Dadka ku dhibaataysan magaalooyin ay ugu horrayso Khartuum oo ah caasimadda Suudaan.

Related posts

Tirada dadkii xajka ku dhintay sanadkan iyo sidii loo maamuusay

Abdiaziz Bnnstaff

“Gudoomiyahayaga Kulmiye Waa Habeen Noole”.Xoghayaha Kulmiye Ee Gobolka Awdal Oo Weeraray….

Abdiaziz Bnnstaff

Sidee Ayay Canshuuraha Madaxwayne Trump U Saameynayaan Dalalka Afrika?

Abdiaziz Bnnstaff