Borama News Network

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo dowladda ku dhaliilay in baahinta hadalkiisa laga hor istaagay warbaahinta dowladda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in laga hor istaagay warbaahinta qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya in laga baahiyo khubad uu shalay u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisu ku saabsaneed wax ka badelka dastuurka ee dowladdu waddo iyo guudahaan xaaladda dalku marayo xilligaan.

Qoraal uu bartiisa Facebook, ku baahiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in aanu garan karin “sababta keeni karta in baahinta hadalkiisa is hortaag lagu sameeyo”.

Wuxu sheegay in tillaabadaan ay muujineyso sida loo diidanyahay aragtiyada xildhibaannada iyo siyaasiinta kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah madax hore iyo siyaasin kale oo dhowr jeer soo saaray qoraallo ay ku dhaliilayaan sida dowladdu u wajahayso qaar ka mid ah arrimaha masiiriga ah .

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Casuumay Dhigiisa Dalka Kenya Iyo Ujeedada Casuumadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Taliyayaasha Milatariga Ee Dalalka Somaliya Iyo Uganda Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland Ee Muranku Ka Taagnaa

Abdiaziz Bnnstaff