Borama News Network

Maraykanka oo sheegay in uu ka fiirsanayo cunaqabatayn dheeraad ah uu kusoo rogo Ruushka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso kordhinta cunaqabataynta ay horay usaartay Dalka Ruushka kaddib markii uu si toos ah u weeraray waddanka deriska la ah ee Ukraine weerarkaas oo dhaliyay khasaaro badan.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay ka fakirayso tallaabada ku habboon dhiggeeda Moscow maadaama xukuumadda Madaxweyne Vladimir Putin ay ku eedaysay in ay ka dambaysay dilka hoggaamiyihii mucaaradka Dalkaas ee Alexei Navalny.

Maraykanka ayaa sheegay in doonayaan kordhinta cunaqataynta Ruushka saaran taasi oo looga hortagayo dhaqaalaha badan ee Moscow ay ka hesho waxsoosaarka agabka kala duwan ee ay u iibgayso Dalal kala duwan oo Caalamka.

Inkasta Xukuumadda Moscow ay shaacisay in cunaqabataynta dhaqaalaha ee Maraykanka iyo Dalalka xulufada la ah ay kusoo rogeen ay ka faaiideen dhaqaale ka badan midkii ay horay usoo geli karay haddana waxa ay sheegtay in ay diyaar u tahay kahortagga caqabadaha cusub.

Maraykanka ayaa si indha la’aan ah waxa uu taageero militari iyo cunto uu siiyaa Ukraine iyada oo ciidamo ameerikaan ah ay ku sugan yihiin qaybo kala duwan oo Dalkaas ah si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

Related posts

Degdeg Gudoomiye Cali Xaamud oo Sheegay in Madaxtooyada lagasoo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Shirkadaha Suudaan Ee Maalgeliya Colaadaha

Abdiaziz Bnnstaff

“Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya”Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff