Borama News Network

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Namibia oo geeriyooday

Madaxweynihii ugu horreeyay ee uu yeesho dalka Namibia markii uu xornimada qaatay, Sam Nujoma, ayaa isagoo 95 jir ah ku geeriyooday caasimadda Windhoek, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha haatan ee dalkaas, Nangolo Mbumba.

Nujoma ayaa horkacayay dagaalkii dheeraa ee dalkaas uu ku doonayay inuu madax-bannaani kaga helo Koofur Afrika sanadkii 1990 kadib markii uu aasaasay dhaqdhaqaaqa xoreynta Namibia oo loo yaqaannay South West Peoples’ Organisation (Ururka Dadka Koofur Galbeed) (Swapo) sanadihii 1960meeyadii.

Kadib xornimadii, Nujoma ayaa madaxweyne noqday sanadkii 1990 wuxuuna dalka hoggaaminayay ilaa 2005.

Nujoma ayaa isbitaal ku jiray saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Related posts

“Ina Kaahin intii uu Daahir Rayaale xilka hayay maalin abaabul inqilaab iyo jabhadeed ayuu waday”

Abdiaziz Bnnstaff

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Abdiaziz Bnnstaff

Turkiga oo qabtay rag looga shakisan yahay dilka Raabi Yahuudi ah

Abdiaziz Bnnstaff