Borama News Network

Madxawaynee Zelensky Oo Sheegay In Uu Soo Bandhigi Doono Qorshe Lagu Soo Afjarayo Dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in uu Maraykanka u soo bandhigi doono qorshe ku saabsan sidii sidii loo soo afjari lahaa dagaalka uu kula jiro Ruushka.

Zelensky ayaa sheegay in uu qorshahan u soo bandhigi doono murashaxiinta madaxweyne ee Kamala Harris iyo Donald Trump, iyo sidoo kale madaxweynaha hadda Joe Biden.

Qorshaha waxaa ku jiri doona tillaabooyin dhinaca diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, ayuu yiri – oo ka duwan duulaankii Ukraine ee Kursk, taas oo sidoo kale qayb ka ahayd istaraatiijiyad lagu doonayay in Moscow ay bilowdo wadahadal nabadeed.

Zelensky waxa kale oo uu shirka jaraa’id ee Kyiv ku sheegay in Ukraine ay samaysay tijaabadii ugu horaysay ee gantaal ballistic ah oo gudaha dalkiisa lagu sameeyo.

Related posts

Magaalada Hargeysa Oo Maanta La Quraan saarayo Iyo Dhalinyaro Ka Badan 200 Oo Qof Oo Akhrinaya 30Jis Ee Quraank

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo 3 bil hakisay bixinta Baasaboorka Shaqada & Shaqaalaha Dowladda

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Mashruuciu Diyaaraha Ee Xukuumadu Soo Bandhigtay Uu Fashilmay Qof Shacab Ahna Lahaa Diyaaradahaasi

Abdiaziz Bnnstaff