Borama News Network

Maraykanka Oo Balaayiin Doollar Ka Faa’iiday Dagaalka Ka Socda Bariga Dhexe

Dowladda Maraykanka ayaa fursad weyn ka heshay dagaalka Bariga Dhexe kaddib markii soosaarka hubka casriga ah ay kusoo hirteen Dowlado badan oo badi ah kuwa Carabta kuwaas oo doonaya in ay difaac ka galaan dabka ka ololaya Gobolka.

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hub casri ah ka iibineyso Dalalka Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya maadaama ay cabsi weyn ka qabaan Waddamada deriska la ah ee dagaalka ku jira.

Lacagtii ugu dambeysay ee Maraykanka uu shaaciyay in uu hubkaan casriga ah ugu iibinayo Dowladahaan waxa ay gaareysaa $2.25 Bilyan oo Doollar, waxaa intaas ka badan lacagaha kale ee sida qarsoodiga ah ay wax ku iibsanayaan Dalalkaan.

Maraykanka ayaa hub deyn ah iyo kuwo taakulo ah isugu daray Israa’iil oo qaska ugu weyn kawada Bariga Dhexe, sii socoshada dagaalkaan waa kan uu Maraykanka ka helayo faa’iidooyin badan sida ay sheegeen xubnaha sida dhow uga warqaba xaaladdan taagan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Kan Difaaca iyo Saraakiil kale oo Maraykan ah ayaa socodkoodu ka dhammaan la’ Dalalka Carabta, waxa ugu weyn oo ay u sheegayaan waa in ay iibsadaan oo difaac adag yeeshaan si aanay dagaalladu u saameyn.

Maraykanka ayaa marar kala duwan si cad u hor istaagay Qaraar Qaramada Midoobay ay ku dooneysay in ay ku qasabto Israa’iil qaadashada Xabbad-joojin aan xadidneyn balse Washington oo danaheeda ka dhex weysay ayaa diiday qaraarkaas.

Related posts

Madaxwayne Xeerka Doorashooyinka Ee Aqlabiyada Lagu Ansixiyay Si Dhakhso Ah U Sexeex” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Balan Qaaday In Uu Difaaci Doonto Xoriyada Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo War Ka Soo Saartay Shirka Wadatashiga Qaranka Ee Muqdisho Ka Socda

Abdiaziz Bnnstaff