Borama News Network

Maraykanka oo kiisaska magangalyo doonka ah ee sanado ahaa ka dhigaysa muddo 6 todobaad ah.

Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si degdeg ah go’aan looga gaadho, kiisaska magangelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kuwaas oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah.

Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto, walaaca kala duwan ee ay qabaan, codbixiyayaasha Maraykanku.

Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay, ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar ah, in kiisaskooda ay dusha kala socon doonaan, koox garsoorayaal ah, kuwaas oo ujeedoodu ay tahay inay hubiyaan in muddo 180 maalmood ah kiiskooda lagaga go’aan gaadho.

Arrintan ayaa ah, tallaabo si weyn loogu dedejinayo kiisaska magan-gelyo doonka ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha socdaalka ee buux-dhaafiyey maxkamada dalka Maraykanka. Kiisaska magangelyo doonka ayaa haatan celcelis ahaan qaata inay ku dhamaadaan illaa afar sannadood.

Tallaabadani waxay fududayn doontaa, in dadka aan la aqbalin codsiyadooda in si degdeg ah looga masaafuriyo dalka Maraykanka.

Hase ahaatee waxaan illaa haatan kala caddayn, tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka faa’iidaysanaya barnaamijkan, iyada oo ay su’aalo badanina ku xeeran yihiin, sida uu waxtar u yeelan doono barnaamijkani.

Hindisahan waxaa warbaahinta la wadaagay Khamiistii, saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka, iyaga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Magaalooyinka lagu bilaabi doono hindisahan cusub ayaa kala ah, Atlanta, Boston, Chicago, Los Angeles iyo New York. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in magaalooyinkan loo xushay, sababtoo ah, garsoorayaasha jooga magaalooyinkan ayaa xoogaa firaaqo ah u helaya inay dhegaystaan kiisaska dhinaca muhaajiriinta, iyo iyada oo magaalooyinkani ay yihiin kuwo aad u waaweyn oo xuddun u ah, muhaajiriinta.

Xog ururinta ayaa muujinaysa in illaa 3 milyan oo dacwadood oo magangelyo doon ahi inay horyaallaan maxkamada dhinaca socdaalka qaabilsan ee Maraykanka, waxaana gacanta ku haya illaa 600 oo garsoore. Hindisahan cusub ee lagu dhawaaqay Khamiistii ayaanay ku jirin lacago dheeraad ah oo lagu shaqaalaynayo garsoorayaal cusub.

Related posts

Cimraan Khan oo qeylo dhaan ka soo dhex diray xabsiga iyo nolosha dhabta ee uu ku nool yahy

Abdiaziz Bnnstaff

Maamal Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Ka Hortimid Qorshaha Dowladda Ee Ciidanka Itoobiya Looga Saarayo Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlad Turkiga Oo Si Si Rasmi Ah U Jartay Xidhiidhkii Ganacsi Ee Kala Dhexeeyay Isreal