Borama News Network

Maraykanka oo Soomaaliya ku daray Liiska Dalalka uu ka mamnuucay in Muwaadiniintooda u safraan

Dowladda Maraykanka ayaa diyaarisay qaraar aan si rasmi ah usoo bixin oo muujinaya in 11 Dal oo Soomaaliya ay ku jirto Muwaadiniintooda laga mamnuucay in ay u safraan Dalkaas, waxaana loo daliilsaday Walaaca dhinaca Amniga sida hadalka loo dhigay.

Dalalka Liiskaan Soomaaliya kula jira ayaa qaarkood xasilooni heysta balse Maraykanka ayay is hayaan oo Siyaasad ahaan iskuma fiicna waana tan loo badinayo in walaaca amniga shaabadda loogu magac daray in lagu dhufto.

Soomaaliya oo sidii hore amni ahaan kasoo hagaageyso isla markaana uu ka jiro isbaddel muuqda waxaa liiskaan kula jira Afgaanistaan oo lugaheeda ku istaagtay, Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya oo Dadkoodu isku tashtay.

Liiska qaanadda Cas ayaa la geliyay Soomaaliya iyo Dalalka kale ee ku qodobka ah, waxaa jira Waddamo la geliyay qaybta Hurdiga ah waana Ruushka, Pakistan & Myanmar oo ah dhammaan Dalal meel adag ka istaagay siyaasadda Maraykanka.

Kenya, Itoobiya, Koofurta Suudaan & Waddamo kale waxa ay galeen qaanadda dadkooda la hubinayo lana weydiinayo su’aalaha adag, waxa ay ka dhaw yihiin labadii heer ee diiwaankooda la shaaciyay in aanay ku jirin fursad ay ku heli karaan Dal ku galka Dalkaas.

Tallaabada Donald Trump ma ahan mid cusub waayo muddo xileedkiisii hore ayuu xayiraad sidaan oo kale saaray Dalal u badan kuwa Muslimiinta, inkasta oo markii dambe qaraarkaas burburay kaddib doodo badan oo ay gudbiyeen Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha.

 

Related posts

Walaac Laga Muujinayo Khilaaf Soo Kala Dhexgala Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Cali Xoosh” Guddiga la doortay waxaan rajeynayaa in si cadaalad ku shaqeyn doonaan”

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Socda Magaalada wajaale Ee At Iskugu Yimaadeen Madax Ka Socota Dalalka Geeska Africa