Borama News Network

Mareykanka oo joojiyay xogihii sirdoonka ee uu Ukraine la wadaagi jiray

Mareykanka aya qaaday tallaabo kale oo xaaladda ku sii adkeyn karta dalka Ukraine.

saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay, inay joojiyeen xogihii sirdoon ee ay la wadaagi jireen Ukraine ee ku aadanaaa dagaalka Ukraine, kadib kulankii Aqalka Cad ee aysan natiijadu ka soo bixin, isla markaana khilaaf ku soo dhaamaday.

Trump ayaa isniintii ku dhawaaqay inuu joojiyay kaalmadii milatari ee uu siin jiray Ukraine, balse jooojinta xogihii sirdoon ee lala wadaagi jiray Ukraine, waxaa shaaciyay agaasimaha waaxda CIA-da Mareykanka, John Ractliffe

Arrintan ayaa ku so aadaysa xilli dowladda Ukraine ay shegtay, in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay gasho Ruushka si dagaalka loo soo afjaro.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne Trump uu ka shakiyay sida madaxweynaha Ukraine, Vlodymyr Zelensky uga go’antahay in Ukraine nabad lagu soo dabaalo.

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Talaadadii sheegay, in uu doonayo in uu “wada xaliyaan” khilaafka ka dhex jiray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isla markaana wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhacda Ukraine.

Hadalladan oo uu jeediyay markii ​​ugu horreeysay tan iyo go’aankii Trump uu ku hakiyay kaalmada militariga Mareykanka ee Ukraine, Zelensky wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay isku-dhicii todobaadkii hore dhexmaray isaga iyo Trump, wuxuuna ballan qaaday inuu heshiis weyn oo dhinaca macdanta ah la saxiixi doono Washington.

Related posts

Hogaamiyaha Mucaaridka La Wareegay Suuriya Oo Sheegay In Lala Xisaabtami Doona Saraakiishii Taliska Asad Ee Xabsiyada Ka Shaqeyn Jiray

Abdiaziz Bnnstaff

Duulimaadyadii Ugu Horeeyay Ee Masaafurinta Dadka Sharci Darada Ku Jooga Maraykanka Oo Bilaabmay

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga oo maanta baaqday xilli ay soo baxeen digniino amni

Abdiaziz Bnnstaff