Borama News Network

Markabkii La Qafaashay Oo Kusoo wajahan Xeebaha Garacad

Hay’adda Baddaha Caalamiga (the International Maritime Bureau) ayaa laga soo xigtay in Markabkii Xamuulka ee MV Abdullah iyo Badmaaxiinta la socotay ay ku wajahan yihiin Xeebaha magaalladda Garacad ee Bartamaha Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland.

Markabkaasi ayaa waxa uu ku jiraa Xeebaha Garacad masaafo gaarayso 7 nautical miles.

Saraakiil u hadlay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bangladesh ugu qaabilsan Arrimaha Baddaha ayaa sheegay inay Bad-qabaan 23-ka Badmaax ee la socda Markabka laga qafaashay Xeebaha Somalia Talaadadii la soo dhaafay.

Dhanka kale, Milkiilaha Markabka Xamuulka ee MV Abdullah ayaa la sheegay inuu diyaar la yahay bixinta Lacagta Madax Furashada ee ay Burcad-baddeeda codsadaan, si loo sii daayo Shaqaalaha iyo Markabkaasi.

Qoysaska Badmaaxiinta waxay Dowladda Bangladesh ka codsadeen inay soo farageliyaan Arrinta, si loo furdaamiyo Badmaaxiinta la qafaashay.

Markabka Xamuulka ee MV Abdullah oo ay leedahay Shirkadda SR Shipping Limited waxaa Duhurnimadii Talaadadii la soo dhaafay laga qafaashay meel 600 nautical miles u jirta Xeebaha magaalladda Muqdisho.

Related posts

“Anigu maalina Xamar uma cararo, maalina Hargaysa, wan dilayaa cida tidhina..” Xil Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo digniintii ugu adkayd u diray Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiyadu Aanu La Tartamayno Caayi Mayno Kulmiyena Waligiiba Wuu Guulaysan Jiray” Cabdicasiis Samaale

Abdiaziz Bnnstaff