Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu soosaaray ayaa lagu sheegay in ‘Arrimo Farsamo’ darteed oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin uu shirkaas dib ugu dhacay muddo kooban.
Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo intooda badan ka ka maqan Caasimadda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirkaan oo diiradda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Amniga & Siyaasadda.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo aan haatan loo badinayn in uu kulankaan qayb ka noqon doonno marka la eego boosaska ay kala joogaan Madaxda Dowladda.
Halkaan ka aqriso qoraalka Dowladda: