Borama News Network

Ciidanka Israaiil Oo Dhimasho Iyo dhaawac ka gaystay xerada Qaxootiga ee Nur Shams

Ciidanka Israaiil ayaa sii kordhiyay beegsiga ka dhanka ah Dadka ku sugan Xerada Qaxootiga ee Nur Shams ee ku taal daanka-galbeed waxaana la diiwaangeliyay geerida ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah iyo dhaawaca ku dhowaan 10 qof.

Yuhuudda ayaa Dadka ay bartilmaameedsadeen waxa ay isugu jiraan Haween iyo Carruur kuwaas oo qaarkood dhaawac darran uu kasoo gaaray weerarka ay ku qaadeen xeradaan oo gabbaad u ah Rayid aad u badan oo maciin biday.

Dadkaan ayaa markii hore ku jiray go’doon cunno, dawo la’aan ah waxaana intaas u sii dheer in uu gabaabsi noqday biyaha maadaama shidaalka ay xadideen ciidanka Yuhuudda sidaasina loo waayay matoorada biyaha soo jiida.

Tacadiga ay gaysaayaan ciidanka Yuhuudda ee ka dhanka ah Dadka rayidka ah ee Falastiin ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa waxaana marqaati aamusan ka noqday Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha sheegta in ay u doodaan xuquuqda aadanaha.

Waxaa Yuhuudda diiwaanka u galay weerarkii ay ku beegsadeen goobaha caafimaadka, waxbarashada, qaxootiga & meel weliba oo gabbaad u noqon karta Shacabka Dulman ee Falastiin si ay naftooda uga badbaadsadaan duqaynta iyo rasaasta Israaiil adeegsanayso.

Related posts

“Kun Xabo Oo Rasaas Ah Ayaa La Nagu Riday.” Xildhibanada Golaha Deeganka Ee La Xidhay Oo Hadlay.

Abdiaziz Bnnstaff

Murasshax Cabdiraxaan Ciro Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay Kaarka Buluuga ah ee muranka dhaliyey ee kubadda cagta lagu soo kordhiyey

Abdiaziz Bnnstaff