Borama News Network

Maxaa dib u dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta lagu ballansanaa?

Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta oo ah 20ka Abriil 2024 ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay uga hadlaan arrimo dhowr ah.

Qoraal kooban oo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu soosaaray ayaa lagu sheegay in ‘Arrimo Farsamo’ darteed oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin uu shirkaas dib ugu dhacay muddo kooban.

Madaxda Dowlad-Goboleedyada oo intooda badan ka ka maqan Caasimadda ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirkaan oo diiradda lagu saarayo arrimaha Dastuurka, Amniga & Siyaasadda.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo aan haatan loo badinayn in uu kulankaan qayb ka noqon doonno marka la eego boosaska ay kala joogaan Madaxda Dowladda.

Halkaan ka aqriso qoraalka Dowladda:

May be an illustration of ‎map and ‎text that says '‎عققمد JAMHUURIYADAFEFERALKASOMALYA JAMHUURIYADA FEFERAALKA SOOMAALIYA XAFIISKA RA'IISUL WASAARAHA الفيدرالية الصومال جمهورية الوزراء رئيس مكتب THE FEDERAL REPUPLIC OF SOMALIA OFFICE OF THE PRIME MINISTER Iyada oo maalinta berrito ah Abriil 19ka 2024 WAR-SAXAAFADEED kuna beegan 20-ka bishan Abriil 2024, lagu ballansanaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrimo farsamo awgood dib loogu dhigay. Shirkan oo muhiim น ah dardargelinta horumarka dowladnimada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro khawaarijta, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban. DHAMAAD X@SOMALIPM MEDIA@OPM.GOV.SO WWW.OPM.GOV.SO‎'‎‎

 

Related posts

Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday markabka shidaalka qaada oo lala xiriiriyay Britain

Abdiaziz Bnnstaff

Ehelka Maxaabiista Israaiil ee Xamaas u xiran oo dhegaha u taagaya dedaallada wadahadalka cusub lagu dhalinayo.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xilalka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee NISA Iyo Agaasimihii Hore Ee Hay’adda

Abdiaziz Bnnstaff