Borama News Network

Ehelka Maxaabiista Israaiil ee Xamaas u xiran oo dhegaha u taagaya dedaallada wadahadalka cusub lagu dhalinayo.

Ehelka Maxaabiista Israaiil ee gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii Oktoobar 2023 ayaa dhegaha la raacaya dedaallada lagu dhalinayo wadahadalka ay gar-wadeenka ka yihiin Masar & Qadar oo garaad ay ka taagan yihiin waddamo Maraykanka uu ku jiro.

Waxa ay heleen xogo ay muddo kooban ku nafisi karaan kaddib markii sarkaal katirsan Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sheegay in dhabbaha wadahadalka uu yahay mid haysta jiho wanaagsan oo haddii aan laga leexin la isku fahmi karo.

Hadalkaas ayaa Dad badan oo Yuhuud ah kasoo saaray guryahooda gaar ahaan kuwa ehelkooda la haysto maadaama ay heleen hadallo laabta u qaboojinaya oo hoos u dhigaya welwelka ay ka qabaan in dhibaatooyin ay la kulmi karaan dadkooda la haysto.

Xamaas ayaa horay u caddaysay in heshiiska ay la geli karto Israaiil in uu yahay in guud ahaan ay xabsiyada kasii dayso Maxaabiista dulman ee Falastiin, in ay dib isaga baxaan dhulka ay duullaanka cusub ku galeen & in xabbad-joojintu noqoto mid aanay xaddidneen.

Waxaa intaas dheer in ay dalbadeen marin ka madaxbannaan ciidanka Israaiil oo loo marin karo kaalmada waddamada Muslimiinta ah ay siinayaan Shacabka Dulman ee Falastiin oo go’doon dhinaca cunnada, daawada ah & waxyaabaha ay u baahan yihiin la geliyay.

Related posts

Madaxweyne Saidi Deni Oo Faahfaahiyey Gogosha Wadahadal Ee Arrimaha Soomaaliya Ee Ay Puntland

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya codbixinta Doorashada Dowladaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Dhaqdhaqaaq Ciidan Iyo Xiisad Dagaal Oo Laga Dareemayo Deegaanada Xudoodka Somaliland Iyo SSC Khatumo

Abdiaziz Bnnstaff