Borama News Network

Midawga Africa Oo Mar Kale War Ka Soo Saaray Khilaaf Ka Dhax Aloosan Dalalka Itoobiya Iyo Somaliya

Warsaxafadeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay meertadii 37aad ee Golaha Midowgaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah waxaana si gaar ah uga soo qaadanaynaa qodobada sida gaarka ah u quseeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa Dalalka xubnaha ka ah ururkaas ugu baaqay in ay dhowraan madaxbannaanida, wadajirka & midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ku xusan xeerka u degsan Ururkaas.

Ka urur ahaan waxa uu tilmaamay in uu dhowrayo dal weliba sidaas oo kale loo baahan yahay in la ilaaliyo oo la xushmeeyo Waddan weliba si arrimaha gaarka ah u xalistaan ama go’aan uga gaaraan sida lagu yiri warsaxaafadeedka AU-da.

Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya kaddib markii Xukuumadda Abiy Ahmed ay 1dii Janaayo 2024 shaacisay heshiis ay sheegtay in ay la gashay Somaliland kaas oo dhigaya in ay helayso qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya looga baahan yahay in ay dejiyaan xiisadda ka dhex aloosan ee ka dhalatay damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qayb kamid ah Badda & Dhulka Soomaaliya Balse Dowladda Federaalku diiday.

Tallaabadii ay qaadday Itoobiya waxaa horay uga hor yimid Dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Masar, Jabuuti, Qaramada Midoobay, Carabta, Midowga Afrika, Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS & dhinacyo kale oo dhammaan ku baaqay in la dejiyo xaaladda taagan.

Related posts

Maamulka Suuriya Oo Ciidamo u Diray Deegaanno Ay Ka Jiraan Isku Dhacyo Dhimasho Badan Keenay

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo markii ugu horeysay qof muslim ah u magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliya Oo Itoobiya Kaga Guulaysatay Galaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Iyo Shir Deg Deg Ah Oo Dhacaya

Abdiaziz Bnnstaff