Borama News Network

Midowga Yurub iyo Booliiska Soomaaliya oo ka wada hadlay tayeynta Ciidamada iyo ka hortagista dambiyada

Madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia,  Kęstutis Lančinskas, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, kaas oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, kor loogu qaadi lahaa taageerada la siiyo Booliska Soomaaliyeed, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda iyo xirfadaha hay’adaha amniga ee dalka.

Madaxa EUCAP ayaa caddeeyay in howlgalka Midowga Yurub ee EUCAP uu si buuxda uga go’an yahay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ugu jirto dhisidda hay’ad boolis oo xirfad leh, hufan, kana jawaabi karta baahida shacabka.

EUCAP Somalia waa howlgal ay leedahay Midowga Yurub oo loogu talagalay in lagu taageero Soomaaliya, si gaar ah dhinacyada tayeynta ciidamada ammaanka sida Booliska, Ilaalada Xeebaha, La dagaalanka burcad-badeeda iyo dambiyada caalamiga ah ee xuduudaha ka gudba.

Related posts

“Madaxweyne Muuse waa Madaxweynihii ugu lexjeclada badnaa Ciidamada Qaranka”Xildhibaan Cali Qaran

Abdiaziz Bnnstaff

Wadahadalladii Qahira Ka Socday Ee Ku Saabsanaa Xabbad-Joojinta Gaza Oo Mar Kale Dhicisoobay

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday huteel ku yaalla Beledweyne Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi.

Abdiaziz Bnnstaff