Borama News Network

Wadahadalladii Qahira Ka Socday Ee Ku Saabsanaa Xabbad-Joojinta Gaza Oo Mar Kale Dhicisoobay

Wadahadallo saddex maalin uga socday magaalada Qahira, saraakiisha sare ee Xamaas iyo wakiillo ka kala socday dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masar ayaa Talaadadi shalay kusoo dhammaaday guuldarro.

Wadahadallada oo hadafkoodu ahaa in madaxda Xamaas lagu qanciyo heshiis xabad-joojin lix todobaad ah oo laga dhaqangeliyo Gaza, ayaa dhicisoobay xilli ay bisha barakeysan ee Ramadan ay ka hareen maalmo ka yar todobaad.

Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa muddo todobaadyo ah isku dayaya in ay heshiis xabad-joojin ah kala dhex dhigaan Israil iyo Xamaas. Heshiiska hadda lagu guul-dareystay ayaa dhigayay in Xamaas ay sii deyso dadka ay ka heyso Isra’il, halka Israil ay xabsiyadeeda ka fasaxeyso maxaabiista jilicsan ee Falastiiniyiinta iyo in labada dhinac ay xabbada joojiyaan muddo lix todobaad ah.
Osama Hamdan oo ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa Talaadadi shalay sheegay, in ay doonayaan xabad joojin joogto ah halka ay ka aqbali lahaa yeen lix todobaad iyo sidoo kale in Israil ay ciidankeeda gabi ahaanba kala baxdo Gaza.

Ku dhawaad shan bilood oo dagaal cirka badda iyo dhulka ah iyo go’doomin ay Gaza go’doomiyeen ciidamada Israil ayay Qaramada Midoobay sheegtay, in boqollaal kun oo dadka Gaza ah ay qarka u saaran yihiin in ay macluul u dhintaan.

Related posts

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kaftan Duur Xula Ku Ganay Beesha Musacabdale Daawo Siday Wax Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff

Maxamed Ilag Waxa Uu Ku Xidhanyahay Xaq Daro” Gudoomiye Cirsi

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidankii ugu badnaa Israaiil oo ku go’doonsan Gaza & Yuhuudda oo Duqayn xooggan wada.

Abdiaziz Bnnstaff