Borama News Network

Militariga Israaiil Oo Weerar Ka Fuliyay Gudaha Dalka Suuriya. Iyo Faahfaahino Ka Soo baxaya

Saraakiil katirsan Dowladda Suuriya ayaa sheegay in Ciidamada Yuhuudda ay duqayn xooggan ka gaysteen xaafadda Mazzeh ee ku dhow caasimadda Dalkaas ee Dimishiq maanta oo sabti ah sida hadalka loo dhigay.

Suuriya ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaan duqaaynta ah, cidda sida gaar ah lagu bartilmaameedsaday & jawaabta ay dhankooda ka bixiyeen weerarkaan xadgudubka ah ee caasimadda dalkaas ka dhacay.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa daabacay qoraal kooban oo ay ku xaqiijisay in duqayntaan lagu beegsaday mid kamid ah guryaha ku yaalla deegaankaan u dhow caasimadda Suuriya balse qudheedu masoo warin khasaara ka dhashay.

Militariga Israaiil ayaa kordhiyay weerarrada duqaynta ah ay ka gaysanayaan Suuriya iyaga oo horay u beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee Dimishiq, inta badan Yuhuuddu ma bixiso faah-faahin intaas ka baxsan.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Diiday Ka Qayb Galka Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Ay Jabuuti Abaabulaysay

Abdiaziz Bnnstaff

Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Sadex Haayadood Oo Ka Tirsan Xukuumada Madawayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Ka Qarxa Qaarada Yurub Oo Laga Casi Qabo Iyo Gaashanbuurta NATO Oo Diyaar Galay Ugu Jirta Dagaalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff