Borama News Network

Militariga Mareykanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen 3 ka tirsan dagaalyahannada ISIS

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana duqeynta ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika. Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, latalinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Bayaankii Ay Dalalka Jaamacada Carubtu Ka Soo Saareen Xiisada Dalalka Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Yurub Oo Looga Digay “Dagaal Aysan Weli u Diyaar Garoobin” Lama Huraanse Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Duqayn Lagu Laayay 20 Xubnood Ka Tirsan Alshabaab

Abdiaziz Bnnstaff