Borama News Network

Mucaaradka Dalka Itoobiya Oo Culays Xooggan Saaray Xukuumadda Abiy Ahmed

Jahwareer siyaasadeed iyo mid amni ayay majaha la gashay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo isugu darsameen xil ka tagistii ku xigeenkiisa, isbaddel uu ku sameeyay xubnaha la safan iyo mucaaradka hubaysan ee Addis Ababa culayska saaraya.

Abiy Ahmed oo damacsan in uu iska kala yareeyo culayskaas saaran waxa uu Taliyihii Sirdoonka Dalkaas Temeseng Tiruneh uu u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalkaas halka Lataliyihiisii dhinaca Amniga Ridwaan Xuseen uu ka dhigay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Jabhadaha hubaysan ee salka la galaya qowmiyadaha Itoobiya ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxa ay kusii siqayeen saldhigyada waaweyn ee Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Addis Ababa.

Siyaasiyiinta dibad-joogga ka ah Itoobiya qaarkood ayaa sheegay in Xukuumadda Abiy Ahmed aanay hayn dhabbaha xalka ee lagu damin karo colaadda Dalkaas ka billaabay sanadkii 2020 ee salkeedu ah muranka Doorashada guud ee Waddankaas.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa markaan la karkaraysa kulka uga imaanaya gudaha iyo midka dibadda iyada Dowladdu kordhisay colaadda ay u beerayso Dalkaas maadaama tallaabooyinka ay qaadayso aanay u wanaagsaneen Dadka Dalkaas.

Related posts

‘Wuxuu Ahaa Sidii Middi Dhabarka Igaga Dhacday Oo Kale” Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Taliskas Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Taliyihii Ciidanka Danab Ee Jubaland

Abdiaziz Bnnstaff

Los Angeles Oo Isu Diyaarineysa Burbur Iyo Dab Hor Leh Iyadoo Dabka Weli Socdo

Abdiaziz Bnnstaff