Borama News Network

Netanyahu Oo Caddaystay Mowqifka Israaiil Ee Lagu Barakicinya Dadka Degen Rafax.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay go’aanka Xukuumaddiisa ee la xiriira in la sal-kiciyo shacabka dulman Falastiin ee ku nool Rafax sida uu ku sheegay qoraal uu soosaaray hoggaamiyaan.

Waxa uu dhiigga dadkaas rayidka ah ku bannaystay in Rafax ay joogaan kana dagaalamayaan guutooyin katirsan dhaqdhaqaaqa iska caabbinta Yuhuudda ee Xamaas, tallaabta ay qaadayso Xukuumaddiisa ayuu ku sifeeyay mid lagu soo afjarayo dagaallada socda.

Netanyahu ayaa carrabka ku dhuftay in aanay suuragal noqon Karin iyada oo Xukuumaddiisa ku dhawaaqday duullaanka ay qaadayso si ay usoo afjarto weerarrada kusii kordhaya ee iska caabbin Falastiin ay kala hortagayso in Rafax laga tago.

“Suuro-gal maaha in la gaadho ujeedada dagaalka ee ah in la tirtiro kooxda Xamaas, haddii laga tago afar qaybood oo ku sugan Rafax, Xilligan la joogo waxaa muuqata inay caddahay in loo baahan yahay in dadka rayidka ah laga daadgureeyo marinka Rafax, gaar ahaa goobaha dagaaladu ka socdaan” ayuu yiri RW Benjamin Netanyahu.

Dadka khubarrada ah ee falanqeeya arrimaha Amniga & Siyaasadda ayaa hanjabaadda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ku sifeeyay mid uu ku doonayo in uu isaga jeediyo Indhaha Yuhuudda ee kusoo jeeda kuna eedeynaya in uu ku fashilmay dagaallada socda.

Related posts

Soomaaliland Waxaan leeyahay Gobolka Awdal iyagaa soo dirsaday Xildhibaan Maxamed Abiib matalaad ayuu ku joogaa Cid taaban kartaana malahan” Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Xildh.Dr Maxamed Xasan Bulaale

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa isbaddel ah oo lagu sameeyay sanadkaan qaabka loo qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare?

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka Iran Oo Soo Saartay Diyaarad Dagaal Oo Ka Mid Noqotay Mid Dalalka Caalamku Si Wayn U Raadinayaan

Abdiaziz Bnnstaff