Borama News Network

Nin loo jaray Warqaddii lagu soo xiri lahaa oo Maydkiisa la helay

Madaxii hore ee fulinta shirkadda Streinhoff ee dalka Koonfur Afrika oo loo jaray warqad lagu soo xiri lahaa, ayaa mayd kiisa la helay sida ay boolisku sheegeen.

Warqad soo qabasho ah ayaa loo jaray Markus Jooste oo ah 63 jir, iyo saaxiib kii ay shaqo wadaagga ahaayeen Stephanus Grobler Arbacadii la soo dhaafay, isla maalin taas oo ahayd markii ganaax la dul dhigay Jooste, kaddib musuq iyo wax isdaba marin ay ku heshay Hay’adda Anshaxa Maaliyadda ee FSCA.

Jooste ayaa la helay isaga oo uu ku yaalo dhaawac xabadeed, meel ku dhaw xeebta Kwaaiwater oo ah daafaha magaala xeebeedka Hermanus oo ku dhaw magaalada Cape Town, wuxuna dhintay intii Isbitaalka loo sii waday.

Reuters oo qortay warkan ayaa sheegtay in ay gaari waysay qoyska Jooste, isla markaana aanay wax jawaab ah ka helin shirkadda Sreinhoff.

Shirkaddan oo mar ahayd mid yar oo ka ganacsata alaabbaha guryaha, markii dambena noqotay shirkad caalami ah, ayaa Jooste waxa lagu helay bixinta warbixinno maaliyadeed oo qaldan intii u dhaxaysay sanaddihii 2014 illaa 2017.

Jooste, oo shaqada ka tagay 2017 kii ayaa la filyay in uu is dhiibo, kana soo muuqdo maxkamadda horteeda, Jimcihii la soo dhaafay sida boolisku sheegay.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Dowlada Itoobiya Ku Eedeeyay In Ay Masuul Ka Tahay Fatahaadaha Wabiyada Juba Iyo Shabeele Ee Gudaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Qudha Dhafiyay 42 Haween Ah Oo Ku Soo Xushay Quruxdooda Waliba Si Toos Ah U Qirtay Dhintaasi Haweenka

Abdiaziz Bnnstaff