Borama News Network

Qaramada Midoobay Oo Digniin Ka Soo Saartay Dagaal Ay Isreal Ku Qaadayso Rafax

Israaiil ayaa baxsad u ah weerar ay ku qaaddo Magaalada Rafax kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay go’aan culus ku gaartay fulinta howlgal ay ku sheegtay in uu yahay mid cir iyo dhul ah oo ciidamada Yuhuuddu isu diyaariyeen.

In Muddo ah ayay Israaiil waxa ay u baxsad u ahayd in ay weerar ku qaado Magaalada Rafax oo duqaymo meelo fog-fog ah ay ka fulisay taasi oo dhalisay khasaara dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah guryaha Dadka rayidka ah.

Intaas waxaa Israaiil u dheer cabsi gelin ay isku dayday in ku samayso Dadka kasoo barakacay deegaannadii ay Yuhuudda weerareen iyaga oo halkaan u arkay in ay tahay goob ka nabdoon ama ka xasiloon deegaannadii ay naftooda kala soo baxsadeen.

Israaiil ayaa markale dhegaha ku furaysanaya baaqyada kala duwan ee kasoo kala yeeraya Qaramada Midoobay, Dalka go’doonka u galiyay Falastiiniyiinta ee Masar, Maraykanka hubka siinaya iyo dhinacyo kale oo diidan duullaankaas.

Isku dayo kala duwan oo Xukuumadda Netanyahu dhexdeeda ah lana doonayay in la baajiyo ama la joojiyo qorshahaan dagaal ayaa meesha ka baxay kaddib markii Wasiirrada Yuhuudda mayalka adag ay go’aankaas ganafka ku dhufteen.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saartay Dilalkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Masar Oo Walaac Ka muujisay Hoos u Dhac Ku Yimaada Isticmaalka Marin Biyoodka Suez Canal

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Dowladda Somaliya Oo Si Buuxda Ula Wareegay Amniga Goobaha Ay Ka Baxeen Ciidamada ATMIS

Abdiaziz Bnnstaff