Borama News Network

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya & Sweden oo kala saxiixday heshiis wada-shaqayn oo soconaya 5-sano

Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa heshiis soconaya 5 sano la galay haweeneyda Hantidhowrka ka ah Dalka Sweden, heshiiskaas ayaa ku qotoma Wada-shaqaynta labada Xafiis, taageero is dhaafsiga & waaya-aragnimada.

Sidoo kale xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa intaas ku daray in xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayaynta baarista waxqabadka (Performance Audit) oo kamid ah baarista uu dhigayo sharciga Hantidhowrka ay Sweden ka gacansiin doonto.

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa arrintaan u cuksaday sharciga waxaana uu intaas ku daray in ujeedka ugu wayn uu yahay sare u qaadista khibradda xafiiskaan iyo xoojinta waaxda baarista waxqabadka sida hadalka loo dhigay.

โ€œHantidhowraha Guud ee JFS Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS. Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (๐๐ž๐ซ๐Ÿ๐จ๐ซ๐ฆ๐š๐ง๐œ๐ž๐€๐ฎ๐๐ข๐ญ) oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFSโ€ ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Hantidhowrka Qaranka.

โ€œXHG oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay Waaxda Baarista Waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo Bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta Waaxda Baarista Waxqabadkaโ€ ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Xafiiska Hantidhowrka qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay qabanayay kulamo intooda badan lagu xoojinayo howlaha shaqo ee xafiiskaan uu hayo halka dabagal iyo fatash uu ku hayay meelaha inta badan musuqa lagu tuhmo si loo baaro.

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Labo Markab Oo Laga Kala Leeyahay Maraykanka Iyo Uk

Abdiaziz Bnnstaff

Fahad Yasiin Oo Digniin Ka Soo Saaray Wax Ka Bedelka Dastuurka Somaliya Oo Baarlamaanku Wado

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Iiran Oo Dil Ku Fulisay Afar Nin Oo Lagu Helay In Ay Basaasiin U Ahaayeen Isreal

Abdiaziz Bnnstaff