Borama News Network

Qiimaha Lagu Kala Iibsado Muuseka Oo La Saadaaliyay In Uu Samaynayo Kor U Kac Xoogan Iyo Sababta

Qiimaha Mooska ayaa la saadaalinayaa in uu sare u kaco sababo la xiriira isbeddelka cimilada, sida ay BBC u sheegeen qaar ka mid ah khuburada ku xeeldheer arrimaha beeraha.

Pascal Liu oo ah dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Madasha Mooska Adduunka ayaa sheegaya in saameynta isbeddelka cimiladu uu halis weyn ku hayo waxsoosaarka iyo daabulista mooska, taas oo ay u dheer tahay sameynta cudurrada dhakhsaha u faafa.

Madasha Mooska ayaa talaadada ku kulmaya magaalada Roma, si wax looga qabto cillada iyo caqabadaha ku gedaaman mid kamid ah miraha loogu jecel yahay dunida.

Suuqyada UK ayaa dhawaan laga dareemay hoos u dhac ku yimid caddadka mooska, ka dib markii duufaanno badda ka kacay ay hakeen shixnadihii soo dgyey.

Marka Soomaaliya la eegana moosku wuxuu ka mid yahay cuntada daruuriga ah ee maalin walba aan miiska qadada laga waaycin. Taas oo micnaheedu yahay in gabaabsi kasta oo ku yimaada suuqa moosku uu si gooni ah u saameynayo Soomaalida.

Mooska wuxuu ka mid yahay khudaarta nugul ee u baahan in laga ilaaliyo cayaayaanka iyo cudurrada fangalka, laakiin halista ugu daran hadda waxay kaga imaaneysaa heer-kulka cimilada adduunka oo sare u kacaya, taas oo laga yaabo in ay xaalufiso dhul ballaaran oo moosku ka bixi jirey. Halka meelaha qaar la wayo meel soo mariyo ka dib markii waddooyinka lagu dhoofin jirey ay daadad jaraan.

Related posts

“Kalmada 30 Sanno Ayaa Been La Noo Sheegayay Aad Ayaan u Dhibsadaa..” Mustafe Qodax

Abdiaziz Bnnstaff

“Ninka Doonaya Inuu Ceerigaabo Calan Kale Ka Taagow Soo Dhawoow Waxaad Ka Heshana ” Xildhibaan Cabdikaraiim Meecaad

Abdiaziz Bnnstaff

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay, qaar badana waa la la’yahay ka dib markii uu biyo-xidheen ku fatahay bariga Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff