Borama News Network

Qoraagii Buuga Mayal Abwaab Abdiraxmaan Abees Oo Maanta Hargeysa Lagu Xidhay

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa wararka aan ka halayno waxa ay sheegaya in maanta xabsiga la dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah qoraaga Buuga Mayal oo dhawaan hargeysa lagu soo bandhigey.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa laba cisho uun ka hor kusoo bandhigay buug oo ka qoray xaaladda Somaliland iyo dhalliilo uu ka muujiyay xukuumadda madaxdweyne Muuse Bixi iyo qaar ka mid ah madaxda maamulkaas.

Abwaan Abees ayaa buuggan qoray ka dib markii uu xabsi kasoo baxay mar ay dawladdu xirtay dhowr sanno ka hor, iyada oo Buugga la daabacay laba sanno ka hor ayaa muddadaasba u xannibnaa xukuumadda oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradahq Hargeysa lagasoo dejinayo, dhawaan ayayse fasaxeen buugaasi.

Waxa isna dalka sannad iyo dheeraad dalka dibaddiisa ugu maqnaa cabsi abwaan Abees oo sheegay in xarig lala maaganyahay, balse dhawaan ayuu yimi xafladna u qabtay bandhigga buuggan xukuumadda ka caraysiiyay.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Sheegtay In Ay Xidhayso Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Somaliya Iyo Sababta Loo Xidhayo

Wasiir Cabdirisaaq Cumar Soomaaliya waxa Ay Ku Guuleysatay In Ay Diplomasiyada Kaga Adkaato Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Ka Socda Magaalada wajaale Ee At Iskugu Yimaadeen Madax Ka Socota Dalalka Geeska Africa