Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Waa in aan Baarlamaanka ku ixtiraamnaa shaqada uu ka qabtay Dastuurka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo jeediyay in ixtiraam loo muujiyo go’aanka Baarlamaanka 11aad uu ku meelmariyay afarta cutub ee Dastuurka Dalka oo in muddo ah uu ka doodayay.

Xamsa ayaa sheegay in uu isaga kamid ahaa xubnihii Golaha Wadatashiga Qaranka ee wax ka go’aamiyay qabyo-tirka Dastuurka Dalka balse markii Baarlamaanka ay u gudbiyeen uu wax ka baddel ku sameeyay kuna qanacsan yihiin tallaabadaas.

Barre ayaa tilmaamay in Baarlamaanka uu yahay Wakiilka Shacabka sidaas awgeed tallaabooyinka uu qaadayo ay ka tarjumayaan kuwo dhaxalgal ah u Bulshada, waxaana uu intaas ku daray in Soomaaliya ay rabto in ay ka dabatagto dunida hormartay.

“Annaga oo ixtiraamayna Hay’adahaas shaqada ku leh waan ku ixtiraamaynaa oo waan ku shaqayneynaa, Aniga waxa aan ku jiray Dadkii soo saxiixay heshiisyadii ee Baarlamaanka usoo gudbiyay, Dee annagu intii aan isla soo wax-waxaynay Baarlamaanka cagta ayuu mariyay badankoodi oo meel kale oo maslaxa ah ayuu aaday, Dadka Soomaaliyeed sidaas oo kale waa shaqadooda loo daayo Hay’adaha Dowladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo ay ka qaybgaleen Guddoonka, Xildhibaannada, Senatarrada iyo labada Guddi ee ka shaqeeyay qabtyo-tirka Dastuurka Dalka oo meelmaray 4 cutub oo kamid ah

Related posts

“Xildhibaan Barkhad Batuun waxa uu nabar ku kasoo gaadhay saaxiibkii oo Maxamed Abiib…” Gudoomiye Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne reer Berberi 7 sanno ayey ku eegayeen, maanta ma jiro wax aad ula tagto” Cumar Shucayb

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo sheegay in Mareykanka uu u diri doono qaar ka mid ah muhaajiriinta xabsiga Guantanamo Bay

Abdiaziz Bnnstaff