Borama News Network

Ruushka Oo Duqayn Culus Ka Fuliyay Gobol Ka Mid Ah Dalka Ukraine Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Ciidamada Ruushaka ayaa duqeymo cirka ah u geystay ciidamada Ukraine ee ku suggan gobollada Donetsk iyo Kharkiv Axaddii shalay, weeraradaas oo ay ku dhinteen saddex qof, ugu yaraan 17 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiisha Ukriane sheegeen.

Duqeynta Ruushka oo u adeegsaday gantaalada hawada laga hago oo laga soo tuuray dayuurad, ayaa ku soo aaday xilli labada wadan laga xusayay ciidda Easterka ee masiixiyiinta Ortodokska.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Axadii in ciidamadeedu ay la wareegeen tuulada Ocherete-nne oo ay ku nool yihiin 3,000 oo qof.

Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya bariga Ukraine, gaar ahaan agagaarka magaalada istiraatiijiga ah ee Chasiv Yar, halkaas oo ciidamada Kyiv ay sugayeen gargaarka militariga Mareykanka oo ka caawinaya inay dib u riixaan ciidamada Ruushka.

Related posts

Dawladda Soomaaliya Oo Ka Doonaysa Tansaaniya In Ay Soo Wareejiso Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Ku Xidhan Dalkeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Canada Oo Si KMG Ah u Hakisay Qaadista Qaxootiga Iyo Codsiga Kooxaha Shanta Ah Ee (Group Five)

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo;-Xildhibaan Faarax Macalin Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Oromo Oo Uu Sheegay In Dagaalka Aqoonin