Borama News Network

Ruushka oo sheegay in ay xalay burburiyeen 25 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine Barasaabka gobolka Krasnodar, Veniamin Kondratyev, ayaa xalay ku qoray bartiisa Telegram in laba degmo lagu qaaday “Weerar aad u weyn

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee dalka ayaa sheegtay in ay burburiyeen 25 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine xilli habeen ah oo ay dul marayeen afar gobol.

14 ka mid ah diyaaradaha Drones-ka ayaa lagu burburiyay gobolka Krasnodar ee koonfurta, lix waxaa lagu burburiyay galbeedka gobolka Bryansk, saddex waxaa lagu burburiyay Crimea oo ay Moscow la wareegtay iyo labo kale oo iyagana lagu waxyeeleeyay koonfurta gobolka Rostov sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

Barasaabka gobolka Krasnodar, Veniamin Kondratyev, ayaa xalay ku qoray bartiisa Telegram in laba degmo lagu qaaday “Weerar aad u weyn oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”. Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay, ayuu yiri.

Related posts

DEG DEG:- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beelaha Habar Cafaan oo habaaray Qofka ka leexda

Abdiaziz Bnnstaff

Itoobiya oo labo diyaaraddood oo hub ah ka dajisay Kismaayo iyo Dowladda Soomaaliya oo si weyn uga..

Abdiaziz Bnnstaff

“Wasiiro tiktok iyo social media isticmaalayaa xaaladda dalka waxba kama qaban karaan” Xildhibaan Abdimaalik

Abdiaziz Bnnstaff