Borama News Network

Maraykanka Oo Awood Gelinaya Sidii Xabbad-Joojin Looga Dhaqangelin Lahaa Magaalada Gaza.

Dowladda Maraykanka ayaa bannaanka soodhigtay qorsaha ay damacsan tahay ee ah in xabbad-joojin laga dhaqangeliyo bariga dhexe gaar ahaan Magaalada Gaza si loosoo afjaro howlgalka dhiig-baxa badan dhaliyay ee Israaiil & Xamaas ay wadaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in hoggaamiyaasha dhaqdhaqaaqa Xamaas ay kasoo jawaabeen hindisaha sii daynta Maxaabiista ay haystaan si loo hakiyo dagaallada socda maadaama mowqifkoodu uu yahay mid iska cad.

Waxa uu sheegay in dhanka Israaiil ay ku madax adeegayaan in si awood ah ay kusoo furanayaan Maxaabiista laga haysto ay ku muddo dheeraatay sidaas darteed wixii haatan ka dambeeya xalka keliya ee la haystayaashaal lagu raadinayo uu yahay wadahadal.

Xamaas ayaa horay usoo bandhigtay go’aankeeda xabbad-joojinta Maraykanka uu gedaal ka riixayo iyada oo sheegtay in haddii laga soo baxo shuruudaha dhankooda ay wataan dagaalka uu joogsano doonno waase marka la aqbalo shuruudahooda.

Maraykanka ayaa Israaiil waxa uu Bishii Nofeembar siiyay fursad bil ah oo Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ku sheegtay in ay si awood ah kusoo furanayso maxaabiis laga haysto bishii Deseembar 2023 ayay qaadday dagaal aanay natiijo rasmi ah ka gaarin.

Bishii Janaayo 2024 ayay markale dalbatay in loogu daro si ay usoo gabagabayso raad-raac ay ku heshay godad ay isticmaalaan dagaalamayaasha Xamaas balse natiijo kama haysto ilaa haatan oo lagu guda-jiro Bisha Febaraayo 2024.

Related posts

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha JSL oo ugu hanbalyeeyey Shagaalaha Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Digniin Ku Saabsan Heshiiskii Ay Itoobiya La Gashay U Dirtay Dalal Aan La Magacaabin

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukuumadda Kulmiye Garoonka Staadiyamka Ayay Roog Dhigi Kari Wayday” Barkhad Batuun Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Xukuumada Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff