Borama News Network

Sadex Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Ay Alshabaab Ku Qaaday Magaalada Camaara Ee Gobolka Mudug

Warrarka ka imaanaya magaalada Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dhawr iyo toban madfac xalay saqdii dhexe lagu weerarray, kuwaas oo dhaliyay khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeedba.

Dhacdada ugu argagaxa badan ayaa qabsatay qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday madfac, waxana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, waxana ku dhaawacmay wiil ay dhaleen sida ay BBC-da u sheegeen ehellada qoyskaasi.

Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac kale oo ay geysteen hoobiyayaasha ku dhacay Cammaara.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara.

Related posts

Kaah iyo Waddani markay heshiiyeen madaxweynuhu wuxuu yidhi doorashada lacag uma hayo “ Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta waa maalintii ugu liidatay ee Somaliland soo martay” Wasiir Hore Duur

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hawgal Ay Ka Fuliyeen Xeebaha Laasqoray.

Abdiaziz Bnnstaff