Borama News Network

Saldhigyo Waawayn oo Alshabaab lahaayeen Duqaymo lala Beegsaday

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay deegaano dhaca xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala eegtay kooxda Al-Shabaab.

Duqeymahan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa waxaa lala beegsaday 6 saldhig oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in saldhigyad la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsana kooxda, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa xarumaha la duqeeyay ku sugnaa saraakiil ajaaniib ah oo ka barbar dagaalanta kooxda, sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah eel aga helayo duqeyntaas.Xubnaha lagu dilay weerarkan ayaa waxaa kamid ah saraakiil magacyadooda lagu soo koobay Abuu Xasan, Abuu Cali, Abuu Basma iyo maleeshiyaad kale oo joogay saldhigyada la duqeeyay.

Waxaa sidoo kale jira burbur xoogan oo ka dhashay xarumo ay kooxda ku lahayd xadka gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee koonfurrta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan lagu gaarsiiyay.

Muddooyinkii u dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Related posts

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Shirkadda Konami oo Xulalka la dooran karo kusoo dartay Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Sariflayaasha Iyo Ganacsatada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff