Borama News Network

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya codbixinta Doorashada Dowladaha Hoose

Dalka Turkiga waxaa maanta oo Axad ah kuna beegan 31ka Maarso 2024 ka billaabinaya Codbixinta doorashada Dowladaha Hoose waxaana meelaha indhaha lala raacayo kamid ah Magaalada ugu dadka badan ee Istanbul.

Doorashada ayaa ka dhacaysa 81 Gobol waxaana la diyaariyay goobaha codbixinta, adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay, qalabka loo adeegsanayo Cod bixinta iyo ciidamada ilaalinaya nidaamka kala dambaynta.

Guddoomiyeyaasha Gobollada, Duqa magaalo weliba ay leedahay, Guddoomiyaasha Degmooyinka ilaa Xaafadaha ayay maanta dooranayaan Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga iyaga oo ku xulunaya hadba qof weliba kartida uu u leeyahay wax u qabashadooda.

Waxaa lasii saadaalinayaa meelaha ay ku kala adkaan karaan Xisbiga Talada haya ee AK Party iyo axsaabta kale ee Mucaaradka ah ee iskaashanaya iyada oo meelo badan indhaha lagu hayo sida Ankara iyo Izmir oo mucaaradka loo badinayo in ay gacanta ku dhigi doonaaan.

Xisbiga talada Dalka Turkiga haya ee AKP ayaa hardan adag u galaya sidii uu mucaaradka ugu gacan maroojin lahaa Magaalooynka muhiimka ah si ay usii kordhaan codadka guud ahaan Shacabka maanta codaynaya.

Related posts

Guterres oo Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay Ee Pakistan u Magacaabay Maxamed Yaxya Oo Soomaali Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland oo noqatay dalka kali ah ee Afrika ee galay Xasilooni Siyaasadeed

Abdiaziz Bnnstaff

“Hal Waxaan Leeyey Madaxwayne Muuse Labana” Abwaan Yuusuf Shaacir Oo Ka Hadlay Doorashooyinka.

Abdiaziz Bnnstaff