Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi: “Dastuurka maanta gacan aamin ah ayuu ku jiraa”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay falcelinta siyaasiyiinta qaar ay kasoo celiyeen dhammaystirka Dastuuska Dalka ayaa sheegay in gacan aamin ah uu ku jiro Dastuurka kana shaqaynayo Baarlamaanka oo wakiilka Shacabka ah.

Xamsa ayaa tilmaamay in qof weliba uu ku haminayo in la dhammaystiro Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka balse lagu kala duwan yahay dhabbaha loo marayo, waxa uu soo jeediyay in aanay laga maarmin in si wadajir ah loo wajaho arrintaan oo masiiri ah.

Ka Xukuumad ahaan ayuu Xamsa Cabdi Barre sheegay in ay diiradda saareen la fadhiisiga cid weliba oo ehel u ah isla markaana doonaysa in la qabyo-tiro Dastuurka dalka oo haatan horyaalla labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Arrinta Dastuurka waa hortabin wadareed, waa arrin qof weliba oo Dadkaan marka uu soo hirtaago waxna ka rabo uu yiraahdo waxaan dhammaynayaa Dastuurka Dalka, Walaalkaa haddii uu gacantiisa ku xaqiijinayo arrinta dastuurka waa in la garab istaago balse ma habboono in la mucaarado, Dastuurka maanta gacan aamin ah ayuu ku jiraa, cid weliba meel ayay ka danaynaysaa laakiin waxaa habboon in dadka aqoonta u leh loo daayo, Baarlamaankii loo igmaday oo Shacabka metalaya ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta ayaa dood ka keenay qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabyo-tiraysto Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo cutubyadiisa 1aad ilaa 4aad dib u eegis lagu wado isla markaana uu furay Baarlamaanka.

Related posts

Xubin Ka Tirsan AS Oo isku Soo Dhiibay Ciidank Xoogga Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muslim Ah Oo Sexeexiisa Lagu Dhacay Lacag Dhan Malaayiin Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Nuxurka Qudbad Xasaasiya Oo Madaxwayne Xasan Sheekh Ka Jeediyay Shirka Isbedelka Cimilada Ee Nairobi

Abdiaziz Bnnstaff