Borama News Network

Shaqaale Israa’iiliyiin ah oo lagu toogtay banaana madxafka yahuudda ee Washington

Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka yahuudda oo ku yaala magaaladaas.

Labada qof ee Israa’iiliyiinta ahaa lammaane, ayaa la toogtay xili ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka oo looga hadlayay sida loo caawin lahaa dadka reer Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kaas oo lagu sheegay Elias Rodriguez oo 30 sano jir ah.

Weerarka ayaa dhacay markii labada shaqaale ay ka soo baxayeen munaasabad ay soo qabanqaabisay Guddiga Yuhuudda ee Maraykanka (AJC). Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ahaayeen lammaane dhalinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in dhacdadan ay u muuqato bartilmameed.Weli si rasmi ah looma shaacin dadka la toogtay oo ah nin iyo qof dumar ah.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha, halkan ayaad kala socon doontaan maadaama warkan uu isa soo tarayo.

Related posts

Madaxwayne Putin Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Masuul Yahay Geerida Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Mucaaradka oo ka horyimid digniinta Dowladda u dirtay Xubnaha Beesha Caalamka

Abdiaziz Bnnstaff

Gantaal Laga Tuuray Dalka Yeman Oo Ku Dhacay Gudaha Isreal Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff